HORDHAC: Real Betis Vs Real Madrid- Los Blancos Oo Kulankanii Guul Ama Geeri U Yahay Iyo Santiago Solari Oo Madax Xanuun Wayni Ka Haysto Dhaawacyada Kooxdiisa Madrid.

13-01-2019 04:01

Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan si wayn ugu soo dhibtoonaysay horyaalka la liga waxayna haddaba 10 dhibcood hoos uga dhacday kooxda hogaaminaysa horyaalka La liga ee Barcelona waxayna Los Blancos wali ka baxsan tahay afarta kaalmood ee sare ee Champions league loogu soo baxo.

Santiago Solari ayaa dareemaya culayska kursiga kaydka Real Madrid ee ay tababarayaasha badani ku soo dhibtooteen, wuxuuna kulanka Real Betis ku qasban yahay in uu natiijo fiican oo guul ah kala soo laabto si uu culayska wayn iskaga kala yareeyo.

Intii lagu jiray sanadkan cusub ee 2019 ayayna Real Madrid wali guulaysan kulan horyaalka ah iyada oo kulankii ugu danbeeyay Bernabeu guuldaro kaga soo gaadhay kooxda Real Sociedad halka kulankii ka horeeyay ay barbaro la gashay kooxda in ay heerka labaad u dhacdo ka cabsida qabta ee Villarreal.

Laakiin Solari iyo kooxdiisa Madrid ayaa imtixaan adag ku mari doona kulanka Real Betis iyada oo waliba xaalada dhaawacyada Madrid ay aad u sii bateen maalmihii la soo dhaafay.

Real Madrid waxaa kulanka Real Betis dhaawacyo kaga maqnaan doona xidigaha kala ah Toni Kroos, Gareth Bale, Marco Asensio, Marcos Llorente, Mariano Diaz halka Lucas Vazguez uu ku seegi doono ganaaxa kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Real Sociedad.

Santiago Solari ayaa xaqiijiyay in da’yarka kooxdiisa ee Vinicius Jr in uu xanuun Virus ahi ku dhacay isla markaana ay su’aali saaran tahay haddii uu taam u noqon karo kulanka Betis taas oo weerarka Madrid ku soo koobi karta Karim Benzema oo kaliya.

Goolhaye Courtois ayaa ka mid ah ciyaartoyda Madrid dhaawaca kaga maqan taas oo la micno ah in Keylor Navas uu haysto fursad uu goolka Madrid ugu soo bilaaban karo kulan La liga ah kadib markii shaqadiisa lagu soo koobay kulamadii Copa Del Rey iyo Champions league.

Ugu danbayn Solari ayaa ku qasbaan doona in uu shaxdiisa kulanka Real Betis ku soo bilaabo xidiga uu bahdilaada badan ku soo sameeyay ee Isco kaas oo haysta fursadii ugu waynayd ee uu shaxda kooxdiisa ugu soo bilaaban lahaa.

Kooxda martida loo yahay ee Real Betis waxaa dhaawac kaga maqnaan doona difaaca dhexe ee Sidnei si la mid ah difaac danbeedka Junior Firpo laakiin Betis ayaa sidoo kale tartanka Asia Cup u wayday adeegii xidiga khadka dhexe ee Takashi.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Kulanka 19 aad ee La Liga

Kulanka: Real Betis Vs Real Madrid

Garoonka: Benito Villamarin Stadium

Waqtiga: 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Shaxda Macquul Ee Real Madrid Kala Hortagi Karto Betis.

Read more...